JARIDA DUFANKA KU SAMEESMA KALIYAHA

 



Jarida baruurta kilyaha fuusha

Hordhac

Dufunta fuusha kaliyaha o loo yaqaano Lovehandles ayaa ah mida ugu adag e walaca ay ka mujiyaan dadka ku jira safar miisaan dhimis. Maqaalkan, waxaynu ku baari doonaa sababaha keena Dufunta kaliyaha gasha, saamaynta caafimaad ee ay yeelan karaan, iyo tan ugu muhiimsano ah , xeelado wax ku ool ah oo lagu jaro dufunta laguna saxayo qaab dhismeedka.

Love handles waxaa loola jeedaa baruurta xad-dhaafka ah ee ku ururta dhexda iyo miskaha, ku was o sameeya barar la dareemi karo. Iyadoo hidde-sideyaashu ay door ka ciyaaraan go'aaminta halka jidhkaagu ku kaydiyo dufanka, sidkle qaab nololeedka sida cuntada iyo jimicsiga ayaa sidoo kale si weyn uga qaybqaata jaritaanka ama in ay kugu bataan  Dufanta kaliyaha. Isku-ururinta dufanka ee aaggan waxaa loo aaneyn karaa arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan cunto aan caafimaad qabin, qaab nololeed fadhiid ah, isbeddel hormoon ah, iyo gabowga.

Saamaynta Caafimaadka:

Marka laga reebo saameyntooda ay ku yeelanaayaan qurxinta jirkaaga , dufuntan waxay yeelan kartaa saameyn caafimaad. Dufanka caloosha ee xad-dhaafka ah, oo ay ku jiraan kuwa ku sameesma kaliyaha, waxay la xiriirtaa khatarta sii kordheysa ee dhanka caafimaad ka ah oo kala duwan sida cudurrada wadnaha, sonkorowga, iyo cilladda dheef-shiid kiimikaadka.

Sidaa darteed, wax ka qabashada Dufuntan ku samesmata kaliyaha  ma aha oo kaliya qurxinta jirkaga e waxay kalo ka qeyb qataan cafimaadkaga. waa tallaabo muhiim u ah horumarinta caafimaadka iyo fayoqabka guud.

Xeeladaha lagula dagaalamayo dufanta kaliyaha gasho

1:Cunto dheeli tiran:

Qaadashada cunto dheellitiran oo nafaqo leh ayaa fure u ah jarista dufanka xad-dhaafka ah. Diirada saar dhammaan, cuntooyinka nafaqada leh sida miraha, khudaarta, iyo dhamaan miraha. Yaree qaadashada cuntooyinka warshadaysan, cuntooyinka fudud ee sokorta leh, sdkle xaddid xad dhaaf ah usamee  cuntoyinka dufanka leh aan caafimaadka lahayn.

2: Jimicsiga joogtada ah:

Samee jimcsi guud adiga o ka shaqenayo dhinac kasta o jirkaga ah. sida orodka, baaskiil wadida, ama dabaasha waxay caawiyaan gubida kalooriyooyinka, halka tababarka xoogga uu dhiso murqaha, kaas oo kor u qaadi kara dheef-shiid kiimikaad oo gacan ka geysanaya muuqaal la sawiran.

3: jimcsiga gaarka ah:

Jimicsigaga Ku dar jimicsiyo si gaar ah u beegsanaya muruqyada ku wareegsan dhexda iyo miskaha. Sida jimcisiyda lo yaqaano side, Russian twists, iyo bicycle crunches ayaa kaa caawin kara in aad jartid dufunta ku abuuranta kaliyaha.

4:Cabida biyo aad u badan:

Cabida biyo  kugu filan ayaa muhiim u ah caafimaadka guud waxayna sidoo kale caawin kartaa dhimista miisaanka. Biyaha oo la cabbo cuntada ka hor waxay kaa caawin karaan xakamaynta rabitaanka cuntada iyo ka hortagga cuntada xad-dhaafka ah.

5: inaad hesho Hurdo kugu filan:

Hurdo la'aantu waxay carqaladayn kartaa dheelitirka hormoonnada waxayna gacan ka geysataa korodhka miisaanka.  Inadd hesho 7-9 saacadood oo hurdo tayo leh habeenkii  waxay taageero siisa guud ahaan caafimaadka iyo maareynta miisaanka.

6: maareeynta stresska

Stresska daba dheeraada wuxuu  horseedi karaa sameysanka dufanka caloosha. Ku dara jadwalkaga yareenta stresska ama same jimicsiga neefsashada qoto dheer .

Gunaanad:

Jarida dufanka kaliyaha  waxay u baahan tahay diet dhamestira  oo ku jira  cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah, iyo hab-nololeedka wanaagsan. Xasuusnoow, in misaanka a ku dhintid daawwoyin  waa khuraafaad, marka diirada saar  guud ahaan caafimaadka iyo fayoobaanta halkii aad jiran  lahayd daawooyin aad si qaldan u qadatay.

Comments

Popular posts from this blog

Why African people are poor

Xiriirka ka dhaxeeya in hurdada goor hore laga soo tooso iyo guusha qofka